Make your own free website on Tripod.com


Taariikhdii:Siyaad Barre

Aabihii Dalka Soomaaliyeed

QORE: AHMED ABDULLAHI HASHI

Maxamed Siyaad Barre, Booliis, Askari, Siyaasiyahan: Ku dhashay Shiilaabo, Ogaadeenya ( Abbysinian Somaliland) c1910;  Madaxwaynaha dalka Soomaaliya ahaa 1969-91;  Xoghayeen ka ahaa Xisbiga Hanti wadaaga Soomaaliyeed ( X.H.K.S) 1976-91; Qabay xaas ahaan Khadiija Macalin & Dalaayad Xaaji Xaashi; Ku dhintay Lagos ( Nayjeriya )
2 Janaayo 1995.
    Jaale Siyaad wuxuu ku dhashay Shilaabo oo ka tirsan dhulka Ogaadeenya lagana maamulo Itoobiya gobolkeeda Harargee ilaa & 1910.  Hooyadiis waxay ahayd Ogaadeen, Aabihiisna wuxuu ahaa Mareexaanka oo ah qabiilka uu ku abtirsado.  Sida Soomaalidaba dhaqan uahayd inay Naynaas la baxaan......waxaa Siyaad ay saaxiibadiis ariga ay isla dhaqi jireen, ku Naanaysi jireen "Af-wayne".  Taasoona ka hari wayday ilaa iyo abidkiis xitaa markuu maamulkii xoogga dalka xiligaas ugu quwada waynaa Afrika uu madaxwayne ka noqdayba.

Waxtaro waawayn oo uu hadaba ku siyaadiyay arliga Soomaaliya iyo Geeska Afrika ayaa waagii danbaba usoo jiiday magacyo horleh, balse ka micno duwan kuwii hore ee uu ku caanbaxay waagii uu Ari-raaca ahaa.  Magacyadaasna waxaa kamid ahaa ayadoo loogu yeero sida: "Aabihii Qaranka Soomaaliyeed", "Libaaxii Geeska Afrika", "Aabihii hidaha iyo dhaqanka" I.W.M

Siyaad wuxuu ukala Safri jiray Luuq iyo Xamar iyo dhulalka kalee Somali-Italian looyiqiin, isagoo ka faa'iidaysanaya aqoontiisii, badanaana baadigoob dheer Iskuul iyo waxbarasho ugu jiray.  Cilmiguu lahaana wuxuu dabadeed usaamaxay inuu ku biiro ciidamadii la'oranjiray Corpa Zaptie, Polizia Africana Italiana.  Wuxuu kusoo dhaqmay magaalada Mareexaan ee Garbahaareey gudaha dalka Soomaaliya ahna, waxaana lagu qoray taariikhdiisii inuu ku dhashay Garbahaareey (Gado).

Kadib markay Ingiriiska iyo Commonwealth-gu ciidamadoodu ay iyadoo kasoo galay dhanka Kenya ay wada qabsadeen dhulalkii Talyaanigu gacanta ku hayay (Soomaaliya) oo dhan, Siyaad wuxuu xiligaas aaday Koorso ay qaban qaabiye ka ahaayeen  "Kings Afrikan Rifles" laguna dhigayay "Kabetti" oo ka tirsan deegaanka Kenya.  Shaqana wuxuu dabadeed ka helay ciidamadii Ingiriiska - kuwaasoo xiligaas lawareegay Jaaliyadii "Corpa Zeptie".   Sababaha ku kalifay inuu siyaasada galana ayay ahayd aqoomihii uu kasoo faa'iday Jaaliyadahaas - iyo isagoo ahaa waddani Soomaaliyeed.  Da'daal badan kadibna wuxuu u gudbay jagadii ugu saraysay ee Ciidamada, isla markaasna uu ku fakaray inuu Soomaaliya wax u qabto.

Ciidamadii Gumaystuhu kadib markay ku heshiin waayeen siday ukala xukumi lahaayeen dhulalka Soomaaliyeed ee ay Talyaanigu soo xukumi jireen.  Waxay noqotay in arintii loo gudbiyo UN-ta.  Aakhirkiina 1949 waxaa Talyaaniga loo ogalaaday inuu ku maamulo Soomaaliya nidaamka UN-ta ilaa & 10sano intii xornimada ayka noqonayaan.

Waxaa soo noqday "Carabineri-gii" Siyaadna waxaa lagu gudoonsiiyay Iskoolarshib ah "Carabinieri, Police College" oo kuyiil Talyaaniga.  Markaas kadibna wuxuu galay waxbarasho ku saabsanayd "Siyaasada & Maamulka" oo lagu qaadanayay magaalada Xamar.  Siyaad wuxuu ahaa Soomaaligii ugu horeeyay ee Booliis buuxa la gudoonsiiyo lana wareegay hogaanka qaybta Booliiska ee Banaadir 1958.  Xiligaas oo ku beegnayd wakhtigii siyaadiyahankii Masriga ahaa ee Kamaalu Diin Saalax ladilay - ayna kadanbeeyeen qaar kamida askartiisa shirqoolkaas.

1958 Soomaaliya Booliis u gooni ah ayay ahayd markay samaysatay, 1 Luulyo 1960kiina waxay ahayd markay Soomaaliya madax banaanaatay.  Iskuna darsameen Waqooyi iyo Koonfur, xiliyadaasna Siyaad wuxuu ku guulaystay inuu qaybta ugu saraysa ee jagada xoogga dalka madax ka noqdo.  Siyaad wuxuu kamid ahaa sareeyayaashii ciidanka dalka aasaasay April 1960kii.  Wuxuuna ahaa Janaraalkii loo doortay talada & maamulka ciidanka dalka Soomaaliyeed oo dhan, kadib markuu dhintay (A.U.N) taliyihii jagadaas 1965.

Isla waayahaas hadaba dawladihii rayidka ahaa ee maamulka dalka gacanta ku hayay, khalado badan ayay kula kaceen shacabkii Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin cadaalad daro iyo sinaan la'aan.  15 Oktoobar 1969, madaxwayne Cabdirishiid Cali Sharmaake ayay ahayd markii la'dilay.  Inkastoo ayna ujeedadaasi siyaasadi ka danbayn, way cadayd in cadaalad daro ay ka jirtay waddanka taasba ha'sababtee.
21 Oktoobar 1969, ayaa Siyaad oo hogaaminaya 20 askari iyo 5 booliis oo qura kula wareegay xukunkii dalka iyadoonan wax dhiig ahi ku daadan.  Siyaad Barre wuxuu cadeeyay inuu u dakaysan kari waayay cadaalad daradii iyo musuqmaasuqii dalka ka jiray taasoo sababtay dilidii marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Dhowr siyaasiyahan oo lagu soo oogay danbi ayaa la xiray, sharciyadii ayaa lasoo af-jaray, kooxo siyaasiyeedkii jiray ayaa la mamnuucay, maxkamadihii talada xumaana albaabadaa loo xiray eedo badan oo lagusoo oogay awgood.  Waddankana waxaa loogu magac bixiyay <Jamhuuriyada Dimuquraadiga ee Soomaaliya>, kowdii nofenbarna maamulku wuxuu ku dhawaaqay (X.H.K.S).
 Sanadihii intaas kadanbayayba way cadayd isbedelka wacan oo saameeyay gebi ahaan dalka.  Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu noqday madaxwaynihii waddanka, madaxii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (X.H.K.S).  Labo iyo tobankii bilood ee ugu horeeyay curashadii Kacaankii barakaysnaa, seeftiisu waxay gaartay danbiilayaashii musuqmaasuqa kula soo kacay shacabka Soomaaliyeed, badankoodna waxaa lagu xukumay Xarig, qaarkoodna jagadii ayaa laga qaaday.


Ololihii Af-Soomaaliga
Isbadalka waddanka & shacabka Soomaaliyeedna ay heleena waa ay badnaayeen.  Kacaanku wuxuu cagta saaray wixii qabyaalad ku talinayay.  Sinaan iyo cadaalad ayuu hirgaliyay dadkii rayidka ahaana xuquuqdoodii ayuu waajib-siiyay, qofkastoo Soomaaliyeedna qofka kale inuu la xuquuq yahay ayaa u muuqatay haba-ka laan dheeraadee. Kacaanku wuxuu kaloo soo rogay in aqoonta lagu da'daalo oo ay Soomaali Af-kooda daabacdaan, taasoo ayaamihii danbana fulinteedii loogu magac daray Ololihii Waxbarashada Af-Soomaaliga.  Ayna ka qayb qaateen Arday ufaa'idisay xitaa reer baadiyihii ayagoo ugu cilmigeenaya baadiyaha.  Faa'iidooyinka Towradu sinaba ugama qarsoonayn Soomaalida & Caalamkaba.

Xaga amaanka iyo Sir baarista waxa uu Kacaanku uxilsaaray NSSta, oo aad casharo ugu dhigay danbiilayaashii iyagoo laga gooynayo danbiyadii ay galeen.  NSStu waxay kaashanaysay Maxkamado ku xukminayay danbiilayaasha Xarig ama Dil (daldal).  Shaqada NSStuna waxay ahayd inay muujiso seefta Kacaanka iyo in danbiile uusan ceeshin si nabada cariga Soomaaliyeed sinaba ha'ahaatee.

Ruushku wuxuu cawimo tabobareed horay ula soo galay Soomaaliya 1963, dadka qaarkoodna waxay isi su'aalaan in tilaabadii uu Siyaad qaaday ay Ruushku sal ulahaayeen iyo in kale.  1974 Siyaad wuxuu kula heshiiyay Ruushka wada shaqaysi xaga labada dal ah.

Bangiyadii, Canshuuryadii, Korontada, Baatroolka hawlihiisa, Warshadaha Sonkorta iyo Biyaha waa lawada sharciyeeyay, Soomaaliya inay wax soosaar yeelato ayaana laga waday.  Muuska oo aad uga baxa Koonfurta Soomaaliyana aad ayaa isaga looga daneenaayay dibada oo dhoofkiisu waa uu badnaa.

Xirashadii uu Jaale Siyaad ku xiray Soomaaliya waddanka Ruushka, waxaa ugu xigtay iyadoo ay Jaamacad Carabta Soomaaliya ku biirtay 1974.  Isla sanadkaasna waxaa loo doortay madaxa waddamada Afrika ( O.A.U ).  Horumarka uu madaxwaynaha Soomaaliyeed usoo jiiday dalka & dadka oo ay kamid ahaayeen; Sinaan, Cadaalad, Horukac, Cilmi barasho, Isku filaan, Waddaninimo iyo Qabyaalada oo madaxa la'isaga taago, aad ayay waxtar ugu lahayd dadka Soomaaliyeed.  Waxa ayna taas horseeday iyada oo loogu yeero "Aabihii Dadka Soomaaliyeed".  Kacaanka waxyaalaha aadka u muuqanayay ee uu badanaa daryeeli jirayna waxaa ugu muhiimsanaa sida Agoonta oo uu Kacaanku daryeeli jiray, xag waxbarasho, xag korin iyo xag shaqasiineed.

1975 ( X.H.K.S )  ayaa waxyaalo laga badalay, madaxdii badankoodna waxay isku raaceen doorasho kabacdi in Jaale Siyaad loo doorto inuu sii noqdo madaxii xisbigaas.  Isla sanadahaas ciidanka xoogga dalku wuu sii xoogaysanayay siina kordhayay, taasna waxay walwal ku abuurtay dalalka ay kamidka yihiin: Yaman, Ethiopia iyo Kenya.
Sanado badan ayay Soomaaliya caawimo siinaysay Jabhadaha la dagaalama dalka Itoobiya sida: Soomaalida, Oromada, Eriteriyaanka & Tigreega, si ay xukunka uga qaadaan Kornel Mingistu Xayle Maryam oo ahaa madaxwaynihii dalka Itoobiya.
1977diina Golaha Saree Towrada Kacaanku wuxuu ku dhawaaqay inay ka qayb-qaadan doonto Soomaaliya dagaalka Itoobiya lagu wado, iyadoo cawimo dheeraad ah loo fidinayo Jabhadahaas kore.


( Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed )
Juun 1977 Ciidanka kumaandoosta iyo qaybo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Itoobiya si toos ah ugalay, wada qabsadayna.  Ilaa ay dhaafeen xuduudkii ay Soomaalidu xitaa u dagaalamaysay ee Ogaadeenya.  Isla wakhtiyadaas xamaasada shanta Soomaaliyeed aad bay u kululayd, durbaankana shanta gees looma kala harin.

( Ganaraal ciidankiisa Guubaabinaya )
Heesihii ay hobaladu ciidanka ku guubaabinayeena waxaa kamid ahayd "Erya erya Erya, Iridaha kalana Arootaad galaysaan" taasoona cadaynaysay guusha ay ciidanku muruqooda kusoo hoyiyeen.  Haseyeeshee waxaa murugo lahayd ciidamadii shisheeye ee calooshood u shaqaystayaasha ahaa oyna kamid ahaayeen: Cuba (NaasWayn), Ruushka, Yaman & Waddamo kale markii ay Soomaaliya kasoo horjeesteen oo ayna Hub & Ciidan ku taageereen Itoobiya.  Yaman oo ay Soomaalida isku dhaqan iyo isku diin yihiin ayaana shacabka Soomaaliyeed ka yaabisay markay ka safatay iyadoo loo arkay inay la baqaysay inay Soomaalidu kasoo dhacsadaan Jasiirada ay Yamani ka haysato ee Sacotra.  Inkastoo ay taasi dhacdayse mala iswaydiiyay waxa kalee waddamada Carbeed kuligood ula safteen Itoobiya??? Mala iswaydiiyayse waxa uu markuu Ruushku uga digayay Soomaaliya qabsashadaas, waxa uu arkayay??? Mise waxa ka tan badiyay dawlada Soomaaliyeed niyad samida & aragtida midaysan ee shacabkeedu uqabay dagaalkaas!  Guuldarada wayna waxay noqotay markii uu Ruushku dhinaca kale kasoo wareegay dabadeed markii waddanka Soomaaliya 24saac gudahood looga saaray.
 
 

AKHRISO IYADOO LAGU TURJUMAY AF-INGRIISI
FOR ENGLISH TRANSILATION READ


















Sources of Information: Xoogga Homepage, Boga Kacaanka



Xiriiyadayda Booqo Hoose

Istaatikada Soomaaliya
Taariikhdii Soomaaliya
Dagaalka Sokeeye ( Soomaaliya )
Dhacdooyin



FadlanNoqo
                                                                     FadlanBayjkakale
          Copyright (c) 2000 Soomaaliya Ha'israacdo & Xaashi's Homepage, Inc. All Rights Reserved