QORE: AHMED ABDULLAHI HASHI
Waxtaro waawayn oo uu hadaba ku siyaadiyay arliga Soomaaliya iyo Geeska Afrika ayaa waagii danbaba usoo jiiday magacyo horleh, balse ka micno duwan kuwii hore ee uu ku caanbaxay waagii uu Ari-raaca ahaa. Magacyadaasna waxaa kamid ahaa ayadoo loogu yeero sida: "Aabihii Qaranka Soomaaliyeed", "Libaaxii Geeska Afrika", "Aabihii hidaha iyo dhaqanka" I.W.M
Siyaad wuxuu ukala Safri jiray Luuq iyo Xamar iyo dhulalka kalee Somali-Italian looyiqiin, isagoo ka faa'iidaysanaya aqoontiisii, badanaana baadigoob dheer Iskuul iyo waxbarasho ugu jiray. Cilmiguu lahaana wuxuu dabadeed usaamaxay inuu ku biiro ciidamadii la'oranjiray Corpa Zaptie, Polizia Africana Italiana. Wuxuu kusoo dhaqmay magaalada Mareexaan ee Garbahaareey gudaha dalka Soomaaliya ahna, waxaana lagu qoray taariikhdiisii inuu ku dhashay Garbahaareey (Gado).
Kadib markay Ingiriiska iyo Commonwealth-gu ciidamadoodu ay iyadoo kasoo galay dhanka Kenya ay wada qabsadeen dhulalkii Talyaanigu gacanta ku hayay (Soomaaliya) oo dhan, Siyaad wuxuu xiligaas aaday Koorso ay qaban qaabiye ka ahaayeen "Kings Afrikan Rifles" laguna dhigayay "Kabetti" oo ka tirsan deegaanka Kenya. Shaqana wuxuu dabadeed ka helay ciidamadii Ingiriiska - kuwaasoo xiligaas lawareegay Jaaliyadii "Corpa Zeptie". Sababaha ku kalifay inuu siyaasada galana ayay ahayd aqoomihii uu kasoo faa'iday Jaaliyadahaas - iyo isagoo ahaa waddani Soomaaliyeed. Da'daal badan kadibna wuxuu u gudbay jagadii ugu saraysay ee Ciidamada, isla markaasna uu ku fakaray inuu Soomaaliya wax u qabto.
Ciidamadii Gumaystuhu kadib markay ku heshiin waayeen siday ukala xukumi lahaayeen dhulalka Soomaaliyeed ee ay Talyaanigu soo xukumi jireen. Waxay noqotay in arintii loo gudbiyo UN-ta. Aakhirkiina 1949 waxaa Talyaaniga loo ogalaaday inuu ku maamulo Soomaaliya nidaamka UN-ta ilaa & 10sano intii xornimada ayka noqonayaan.
Waxaa soo noqday "Carabineri-gii" Siyaadna waxaa lagu gudoonsiiyay Iskoolarshib ah "Carabinieri, Police College" oo kuyiil Talyaaniga. Markaas kadibna wuxuu galay waxbarasho ku saabsanayd "Siyaasada & Maamulka" oo lagu qaadanayay magaalada Xamar. Siyaad wuxuu ahaa Soomaaligii ugu horeeyay ee Booliis buuxa la gudoonsiiyo lana wareegay hogaanka qaybta Booliiska ee Banaadir 1958. Xiligaas oo ku beegnayd wakhtigii siyaadiyahankii Masriga ahaa ee Kamaalu Diin Saalax ladilay - ayna kadanbeeyeen qaar kamida askartiisa shirqoolkaas.
1958 Soomaaliya Booliis u gooni ah ayay ahayd markay samaysatay, 1 Luulyo 1960kiina waxay ahayd markay Soomaaliya madax banaanaatay. Iskuna darsameen Waqooyi iyo Koonfur, xiliyadaasna Siyaad wuxuu ku guulaystay inuu qaybta ugu saraysa ee jagada xoogga dalka madax ka noqdo. Siyaad wuxuu kamid ahaa sareeyayaashii ciidanka dalka aasaasay April 1960kii. Wuxuuna ahaa Janaraalkii loo doortay talada & maamulka ciidanka dalka Soomaaliyeed oo dhan, kadib markuu dhintay (A.U.N) taliyihii jagadaas 1965.
Isla waayahaas hadaba dawladihii rayidka ahaa ee maamulka dalka gacanta
ku hayay, khalado badan ayay kula kaceen shacabkii Soomaaliyeed oo ay kamid
yihiin cadaalad daro iyo sinaan la'aan. 15 Oktoobar 1969, madaxwayne
Cabdirishiid Cali Sharmaake ayay ahayd markii la'dilay. Inkastoo
ayna ujeedadaasi siyaasadi ka danbayn, way cadayd in cadaalad daro ay ka
jirtay waddanka taasba ha'sababtee.
21 Oktoobar 1969, ayaa Siyaad oo
hogaaminaya 20 askari iyo 5 booliis oo qura kula wareegay xukunkii dalka
iyadoonan wax dhiig ahi ku daadan. Siyaad
Barre wuxuu cadeeyay inuu u dakaysan kari waayay cadaalad daradii iyo musuqmaasuqii
dalka ka jiray taasoo sababtay dilidii marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Dhowr siyaasiyahan oo lagu soo oogay danbi ayaa la xiray, sharciyadii
ayaa lasoo af-jaray, kooxo siyaasiyeedkii jiray ayaa la mamnuucay, maxkamadihii
talada xumaana albaabadaa loo xiray eedo badan oo lagusoo oogay awgood.
Waddankana waxaa loogu magac bixiyay <Jamhuuriyada
Dimuquraadiga ee Soomaaliya>, kowdii nofenbarna maamulku wuxuu ku
dhawaaqay (X.H.K.S).
Sanadihii intaas kadanbayayba way cadayd isbedelka wacan oo saameeyay
gebi ahaan dalka. Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu noqday madaxwaynihii
waddanka, madaxii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (X.H.K.S).
Labo iyo tobankii bilood ee ugu horeeyay curashadii Kacaankii barakaysnaa,
seeftiisu waxay gaartay danbiilayaashii musuqmaasuqa kula soo kacay shacabka
Soomaaliyeed, badankoodna waxaa lagu xukumay Xarig, qaarkoodna jagadii
ayaa laga qaaday.
Isbadalka waddanka & shacabka Soomaaliyeedna ay heleena waa ay
badnaayeen. Kacaanku wuxuu cagta saaray wixii qabyaalad ku talinayay.
Sinaan iyo cadaalad ayuu hirgaliyay dadkii rayidka ahaana xuquuqdoodii
ayuu waajib-siiyay, qofkastoo Soomaaliyeedna qofka kale inuu la xuquuq
yahay ayaa u muuqatay haba-ka laan dheeraadee. Kacaanku wuxuu kaloo soo
rogay in aqoonta lagu da'daalo oo ay Soomaali Af-kooda daabacdaan, taasoo
ayaamihii danbana fulinteedii loogu magac daray Ololihii Waxbarashada Af-Soomaaliga.
Ayna ka qayb qaateen Arday ufaa'idisay xitaa reer baadiyihii ayagoo ugu
cilmigeenaya baadiyaha. Faa'iidooyinka Towradu sinaba ugama qarsoonayn
Soomaalida & Caalamkaba.
Xaga amaanka iyo Sir baarista waxa uu Kacaanku uxilsaaray NSSta, oo aad casharo ugu dhigay danbiilayaashii iyagoo laga gooynayo danbiyadii ay galeen. NSStu waxay kaashanaysay Maxkamado ku xukminayay danbiilayaasha Xarig ama Dil (daldal). Shaqada NSStuna waxay ahayd inay muujiso seefta Kacaanka iyo in danbiile uusan ceeshin si nabada cariga Soomaaliyeed sinaba ha'ahaatee.
Ruushku wuxuu cawimo tabobareed horay ula soo galay Soomaaliya 1963, dadka qaarkoodna waxay isi su'aalaan in tilaabadii uu Siyaad qaaday ay Ruushku sal ulahaayeen iyo in kale. 1974 Siyaad wuxuu kula heshiiyay Ruushka wada shaqaysi xaga labada dal ah.
Bangiyadii, Canshuuryadii, Korontada, Baatroolka hawlihiisa, Warshadaha Sonkorta iyo Biyaha waa lawada sharciyeeyay, Soomaaliya inay wax soosaar yeelato ayaana laga waday. Muuska oo aad uga baxa Koonfurta Soomaaliyana aad ayaa isaga looga daneenaayay dibada oo dhoofkiisu waa uu badnaa.
Xirashadii uu Jaale Siyaad ku xiray Soomaaliya waddanka Ruushka, waxaa ugu xigtay iyadoo ay Jaamacad Carabta Soomaaliya ku biirtay 1974. Isla sanadkaasna waxaa loo doortay madaxa waddamada Afrika ( O.A.U ). Horumarka uu madaxwaynaha Soomaaliyeed usoo jiiday dalka & dadka oo ay kamid ahaayeen; Sinaan, Cadaalad, Horukac, Cilmi barasho, Isku filaan, Waddaninimo iyo Qabyaalada oo madaxa la'isaga taago, aad ayay waxtar ugu lahayd dadka Soomaaliyeed. Waxa ayna taas horseeday iyada oo loogu yeero "Aabihii Dadka Soomaaliyeed". Kacaanka waxyaalaha aadka u muuqanayay ee uu badanaa daryeeli jirayna waxaa ugu muhiimsanaa sida Agoonta oo uu Kacaanku daryeeli jiray, xag waxbarasho, xag korin iyo xag shaqasiineed.
1975 ( X.H.K.S ) ayaa waxyaalo laga badalay, madaxdii badankoodna
waxay isku raaceen doorasho kabacdi in Jaale Siyaad loo doorto inuu sii
noqdo madaxii xisbigaas. Isla sanadahaas ciidanka xoogga dalku wuu
sii xoogaysanayay siina kordhayay, taasna waxay walwal ku abuurtay dalalka
ay kamidka yihiin: Yaman, Ethiopia iyo Kenya.
Sanado badan ayay Soomaaliya caawimo siinaysay Jabhadaha la dagaalama
dalka Itoobiya sida: Soomaalida, Oromada, Eriteriyaanka & Tigreega,
si ay xukunka uga qaadaan Kornel Mingistu Xayle Maryam oo ahaa madaxwaynihii
dalka Itoobiya.
1977diina Golaha Saree Towrada Kacaanku wuxuu ku dhawaaqay inay ka
qayb-qaadan doonto Soomaaliya dagaalka Itoobiya lagu wado, iyadoo cawimo
dheeraad ah loo fidinayo Jabhadahaas kore.
AKHRISO
IYADOO
LAGU
TURJUMAY
AF-INGRIISI
FOR
ENGLISH
TRANSILATION
READ
Sources of Information: Xoogga Homepage,
Boga Kacaanka
Istaatikada Soomaaliya
Taariikhdii Soomaaliya
Dagaalka Sokeeye ( Soomaaliya
)
Dhacdooyin